4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 14, 2021
Somaliland oo walaac ka muujisay ismari waaga siyaasadeed ee dowlada Soomaaliya iyo mucaaradka
 

Arbaco, April, 14, 2021 (HOL) - Qoraal ay soo saartay wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland ayaa lagu yidhi “dowlada jamhuuriyada Somaliland waxay aad uga walaacsantahay ficilada dimuquraadiyad iyo xasilooni la’aan ta ah ee ka socda Muqdisho”

Warbixinta ayaa  waxa kaloo lagu yidhi “ismariwaaga siyaasadeed ee maanta taagani wuxu markhaati u yahay macangagnimada hogaanka Farmaajo, taasi oo khatar ku ah amaanka iyo degenaanshaha gobolka”.

Warbixinta ayaa waxa lagaga digay in hadii ay sii socdaan ficilada noocaan ahi ay sababi karaan dagaalo sokeeye oo markale Soomaaliya ka qarxa iyo barakaca kumanaan kun oo qof.

Waxanu ku boorinayna dadka adkaysiga badan ee reer Muqdisho kuwaasi oo dhexda ugu jira Alshabaab iyo xukunka macangaga ah ee Farmaajo kaasi oo aan tixgalin xuquuqda adanaha in ay xajistaan nabad galyadooda" ayaa warbixinta lagu yidhi.

Warbixinta ayaa lagu amanay go’aan ka golaha amaanku kusii joogteeyay cuna-qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran.

“Waxanu amanaynaa go’aanka golaha amaanka ee qaramada midoobay ay kusii joogteeyen cunaqabataynta hubka ee saran Soomaaliya, waxana ku boorinaynaa beesha caalamka, in ay sii libin laaban  dadalka kooda ku aadan in aan wax hub ahi soo galin Soomaaliya xiligan hubanti la’aan ta ah”.

Warbixinta aya lagu xusay in tan iyo intii ay Somaliland lasoo noqotay madax banaanideeda ay ka jirtay dimuquraadiyad ifaysa, iyadoo doorashooyinka xorta ah iyo qiimaha dimuquraadiyada la ilaaliyay.

Waxakale oo lagu yidhi "Somaliland waxay ku guulaysatay in ay qabato doorashooyin is xig xiga oo xor oo xalaal ah, iyo xukunka oo si nabada layskugu dhiibo".

"Markale 31 ka bishan May dadka reer Somaliland waxay u dareeri doonaan doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka".

Warbixinta ayaa gababa-gabadii beesha caalamka lagu booriyay in ay si toosa ula shaqayso Somaliland, sidookale ay wax ka bartaan sida ay Somaliland umaraysay argagixisada iyo qaran dhiska.


Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]