4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 14, 2021
Mareykanka oo cadeeyay mowqifkiisa muddo kordhinta Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo

 

Arbaco, April, 14, 2021 (HOL) -Dowladda Mareykanka ayaa si adag uga fal celisay go'aankii uu dhawaanta Baarlamaanka Soomaaliya mudada Labada sano ah ugu kordhiyay Dowladda hadda jirta ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ay siweyn uga xumaadeen tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliya ee mudada Labada sano ah loogu kordhiyay madaxweyne Farmaajo.

"Waxaan horey ugu celcelinay in ay muhiim u tahay nabadda, xasiloonida, baraaraha iyo dowladnimada Soomaaliya in dowlada fedaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay gaaraan heshiis ku aadan sidii horey loogu sii wadi lahaa geedi socodka doorashada,'' ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada.

War ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in marnaba aysan taageeri doonin muddo korarsi , doorashooyiin is barbar socda amaba geedi socod hal dhinac ah.

Mareykanka ayaa intaa ku darray in hindisa shirciyeeda muddo kordhinta oo la dhaqangaliyo ay caqabad halis ah ku tahay wadaxaajoodyada socda

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay xeerkii doorasho ee Baarlamaanku meelmariyay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]