4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 11, 2021
Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay
 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goordhaw ku toogtay xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Cilmi Cali oo loo yaqiinay Mahad Doolar, kaasoo dabley bastoolado ku hubeysan aay ku toogteen xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan.

Dableyda dilka geysatay ayaa isaga baxsatay goobta aay ku dileen Sarkaalka ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay waxayna kasoo qaadeen meydka marxuumka oo aay geeyeen xarunta dambi baarista CID-da.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]