4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 11, 2021
Somaliland: Maxkamada millateriga oo xukun ku riday Gen: Doollaal
 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Maxkamada Millateriga Somaliland, ayaa 2 sano oo xadhiga ku xukuntay Jaamac Maxamuud Aadan  Gen: Dollaal oo katirsan ciidamada Somaliland.

Jeneralka ayaa lagu helay danbi ah in uu la xidhiidhay qof kusugan magaalada Muqdisho oo uu arrimo qoys kala hadlay sida ay sheegeen qaar kamida eheladiisu.

Maxkamada ayaa danbi ku tilmaantay in jeneralku uu  xidhiidh lasameeyo cid joogta Muqdisho.

Maxkamada ayaa dhinacakale laashay eedaymo khayaamo qaran oo loo haystay Gen: Dollaal, kuwaasi oo wax caddayn ah loo waayay.

Gen: Dollaal ayaa muddooyinkii u danbaysay ku xidhnaa xabsiga Hargaysa iyado qoyskiisu ay sheegeen in caafimaad kiisu aanu wanaagsanayn.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan, Hiiraan Online
 [email protected]