4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 11, 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa gaar ahaan magaalada Cape Town ayaa sheegay in rag hubeysan toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada.

Gaar ahaan toogashadan ayaa ka dhacday xaafadda lagu magacaabo  Elsies River iyadoo muwaadinka la toogtayna magaciisa lagu soo kooban Ilyas.

Gaari uu watay oo sidoo kale ay la saarnaayeen saddex kale oo dhalinyarro ah  ayaa la sheegay in rasaas huwiyeen rag hubeysan loo maleynayo in ay ahaayeen burcad.

Waxaa soconaya  baaritaanno iyo baadigoob ciidamada Booliiska xaafadda uu dilku ka dhacay ay ugu jiraan kooxdii ka danbeysay, kuwaa oo ilaa iyo hadda aan gacanta lagu soo dhigin.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]