4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 10, 2021
Booliiska Somaliland oo xabsiga dhigay Sabaax Cabdi Ibraahim oo katirsan xisbiga Waddani
 

Sabti, April, 10, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Sabaax Cabdi Ibraahim (xaaska siyaasi Buubaa) oo ah xubin katirsan xisbiga Waddani, sababta xadhigeeda ayaa loo malaynaya kadib markii codad ay Somaliland waxa kaga sheegaysa ku baaheen baraha bulshada.

Waxa baraha bulshada ku baahay cod ay leedahay Sabaax oo ay ku sheegayso in calankeedu yahay ka buluuga ah ee Soomaaliya isla markaana anay aaminsanayn calanka Somaliland.

Codkan baraha bulashada ku baahay ayaa waxa kale oo ay Sabaax waxba kama jiraan ku tilmaantay qaranimada ay Somaliland ku andacoonayso.

Sidookale Sabaax waxay marar kala duwan kasoo muuqatay baraha bulshada iyadoo ku labisan calanka Soomaaliya isla markaana dowlada Soomaaliya ku taageeraysa dacwada badda ee kala dhaxaysa Kenya.

Sabaax waxay kasoo muuqatay shirweynihii saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo dhawaan magaalada Hargaysa lagu qabtay.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]