4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 10, 2021
Dowladda federalka Soomaaliya oo la wareegaysa maxaabiis burcad badeed ah oo ku xirnaa Puntland
 


Sabti, April, 10, 2021 (HOL) - Wasiirka caddaalada Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray magaalada Garowe, halkaas oo uu kula wareegayo maxaabiis burcad badeed ah oo muddo ku dhow 10 sano ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.

Maxaabiista burcad badeeda oo kasoo jeeda Galmudug ayaa sanadkii 2012 lagasoo wareejiyay xabsiyada dalka Sycheles, kadib markii xukuno lagu riday, waxaana loogu talo galay in ay xabsiyadooda ku dhameystaan dalka gudihiisa.

Imaatinka wasiirka caddaalada waxay dhameystir u tahay dadaalo in muddo ah soo socday oo ay xildhibaano iyo masuuliyiin katirsan Galmudug ku doonayeen in maxaabiistaas lagu wareejiyo maamulka Galmudug.

Maxaabiistaan ayaa ku xirnaa heshiis dhexmaray Puntland iyo Sycheles, balse markii dambe barlamaanka Puntland ayaa laalay heshiiskaas, iyagoo amar ku bixiyay in si deg deg ah lasii daayo, inkastoo aysan suurto galin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online