4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 10, 2021
Dowladda Soomaaliya oo Golaha Amaanka uga digtay in la soo faragaliyo arrimaha doorashada Soomaaliya

 

Sabti, April, 10, 2021 (HOL) -Qoraalkan oo loo dirtay Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayeey dowladda Soomaaliya uga digtay in faragalin toos ah caalamku ku yeeshaan arrimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada oo ah ayaa lagu yiri qoraalka mid Soomaalida u taalla.

Qoraalkan oo ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu faah faahiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee doorashada iyo kulamadii ugu danbeeyay ee dhacay,

Gaar ahaan Dowladda ayaa lagu yiri '' Doorashooyinka qaranka Soomaaliya, si la mid ah dal kasta oo madax-banaan waa arrin qaran, oo ay maamulaan islamarkaana go’aan ka gaaraan hay’adaha qaranka, sida uu qabo Xeerka No.30 ee uu meel mariyey baarlamanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegtay in ay u aragto heshiisyadii 17 September iyo kii Baydhabo  in ay noqon karaan aasaaska ugu muhiimsan ee doorasho ka dhacda dalka, loona baahan yahay in dhinacyada oo dhan xurmeeyaan.

Sidoo kale waxaa ay dowladdu sheegtay in dhinaca nabadgalyada xaqiijinayaan  in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la wareegi doona xalka arrimaha amniga.

Qoraalkan ayaa soo baxay xili beesha calaamku mar kale madaxda Soomaalida cadaadis ku saarayaan in ay dib isugu soo laabtaan miiska wadahadalka kaddib markii ay dowladdu sheegtay in ay fashilmeen wadahadalladii doorashada.





Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]