4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2020
Midowga Yurub oo Daahfuray Abaalmarinta deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed
 

Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Midowga Yurub iyo UNOPS ayaa ku dhawaaqay inay bilaabayaan Abaalmarinta Deeqda-waxbarasho oo loogu talo galay ardayda Soomaaliyeed.

Ujeedada deeqdan waxbarasho ayaa ah in laga caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee aqoonta leh inay helaan shahaadada Bachelor-ka iyo Master-ka ee dhinacyada isbedelka cimilada, nafaqada iyo xalka waara.

Deeqdan waxbarasho ayaa la sheegay inay qayb ka tahay dadaalada socda ee Midowga Yurub ee lagu xoojinayo fursadaha waxbarasho ee dhalinyarada, gaar ahaan gabdhaha da'da yar, iyadoo ujeedadu tahay in wax laga beddelo khibradda ardayda Soomaaliyeed.

“Abaalmarinta deeqda waxbarasho ee dhismaha adkeysiga waa tusaale kamid ah sida Midowga Yurub ay ugu heellan yihiin mustaqbalka Soomaaliya, ”ayuu yiri Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

“Dhisida khibrada la xiriirta adkeysiga iyo isbadalka cimilada waxay dhiiri gelin doontaa xalka waara ee mustaqbalka. Intaa waxaa dheer, 50 boqolkiiba deeqaha waxbarasho ayaa loo qoondeyn doonaa gabdhaha ardayda ah si loo hubiyo in haweenka aqoonyahannada ah ay si buuxda uga qayb qaataan horumarka Soomaaliya, ”ayuu yiri Danjiraha.

Abaalmarinta deeqda waxbarasho ee adkeysiga waxaa loogu talagalay in lagu daboolo kharashka ardayga muddo hal sano ah. Ilaa 20 fursadood oo deeq waxbarasho ayaa la siin doonaa ardayda u-qalanta iyada oo 50% la doonayo in ay noqdaan haween dadka ka faa’idaysanaya.

Liiska dadka ku guulaysta deeqaha waxbarasho ayaa lagu dhawaaqi doonaa dhamaadka Nofeembar 2020.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]