4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 25, 2020
IMF oo war kasoo saartay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya
 

Jimco, September 25, 2020 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa waxaa looga hadlay kulamo looga hadlayay arrimaha deyn cafinta iyo dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto sidii qorshooyinka horyaalla ay u fulin laheyd.

Waxaa lagu sheegay kulamo dhacay September 12—22, 2020,dii ayaa waxaa ay mas’uuliyiinta hay’addaan la yeesheen madax ka tirsan Golaha wasiirrada ee xilka sida gaarsiinta ah u jooga iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya .

Kooxdaan khuburada ah oo ka socotay hay’adda IMF ayaa waxaa hor kacayay Allison Holland, iyadoo warbixinta ay soo saartay ku amaantay sida Soomaaliya oo hadda mareysa marxalado ay sabab u yihii xaalado dabiici ah ay uga go’antahay iney gaarto yoolka la tiigsanayo si deynta looga cafiyo.

”Iyadoo dalka uu wajahayay dhibaatooyinkii COVID-19, hirar Ayax ah oo kacay oo sababay xaalado Bani aadanimo , haddana waxaa muuqata adkeysi iyo in canshuur dhaaf ay dowladda sameysay” ayey Holland ku tiri warixinta ay soo saartay.

Sii-hayaha wasiirka maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jiho qurux badan, si looga dhaafo deynta.

Sanadihii ugu dembeeyay Soomaaliya waxay laheyd hiigsiyo hor-yaalla si deynta looga cafiyo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]