4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2020
Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ka bilowday ololaha tallaalka cudurka dabaysha
 

Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa bilowday ololaha tallaalka cudurka dabaysha oo lagu bartilmaameedsanayo 1.65 milyan oo caruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano.

Tallaalka cudurka dabaysha ee afka laga qaato ayaa laga fulinayaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hadal ay si wada jir ah u soo saareen Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo UNICEF, waxay ku sheegeen in talaabooyinka tallaalku ay gacan ka geysan doonaan kahortagga cudurrada dilaaca iyo inay carruurta ka ilaalin doonaan cudurrada dilaaga ah.

"Waa muhiim in dhammaan talaalada joogtada ah ay sii socdaan, gaar ahaan inta lagu guda jiro Cudurka faafa ee COVID-19,"  wakiilka UNICEF ayaa ku yiri bayaan ay si wada jir ah uga soo saareen Muqdisho.

Sida lagu sheegay bayaanka, ololahan waxaa fulinaya 6,266 hawlwadeen oo ka shaqeeya talaalka magaalooyinka iyo 2,685 oo ka shaqeeya talaalka miyiga.

Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ololahan uu yahay talaabadii ugu horeysay ee dadaal labo qeyb ah oo kor loogu qaadayo heerarka difaaca carruurta Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]