4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 23, 2020
Madaxweyne Farmaajo: Waxaan keenay Raysal wasaare waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso
 

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka kalsooni-siinta iyo ansixita Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bishan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay raysal wasaarihiisa inuu yahay shakhsi wadaniyadiisu sareyso oo uu ku aamino karo xilka culus uu u magacaabay, wuxuuna barlamaanka ka rajeeyay inay sidoo kale meel marindoonaan xukuumada uu soo dhisidoona.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso. Waxaa laga rabaa in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh.”

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay tallaabooyinka ugu horeysa ee uu qaadidoono inay yihiin amniga iyo arrimaha doorashooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]