3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2020
Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada xoogga iyo Al-shabaab oo ka socda Galgaduud
 

Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka saareen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib dagaal xoogan oo halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Deegaanada dowladdu la wareegtay waxaa ka mid ah, Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa, kuwaas oo koofur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay, dagaalka oo bilowday saaka aroortii inuu weli socdo Ciidamaduna ay ku sii dhawaanayaan deegaanada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas oo Al-shabaab gacanta ku hayaan 10 sano.

Saraakiil katirsan ciddanka xoogga ayaa warbahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in ay Al-shabaab gaarsiiyeen jab aad u xoogan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/21/2020 3:40 PM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Beesha caalamka ayaa sheegtay hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay in uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

9/21/2020 8:36 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo deegaanka Garas baalley ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas laga Af-duubtay laba askari oo ilaalo u ahaa mid kamid ah Guddoomiye waaxeedyada halkaas ka shaqeeya.

9/21/2020 7:21 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor qoor” ayaa waxa uu hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho uu kula kulmay mas’uuliyiinta labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda maamulkiis.

9/21/2020 6:44 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Dilka wadaha mooto Bajaajta ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda Soonakey, sida ay ku warrameen dad goobjoogayaal ah, waxaana lagu eedeeyay dilkaas, askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

9/21/2020 6:31 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Miir-dugul oo koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, sidoo kalana ah caasimadda maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

9/21/2020 6:01 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Soomaaliland ayaa sheegtay in aysan ka qeyb galayn doorashooyinka soosocda ee Soomaaliya, iyadoo farriin gaar ah u dirtay ururada iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ee la isku yiraahdo beesha caalamka.

9/21/2020 12:39 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Beesha caaalamka ayaa weli ka aamusan heshiiskii dhameystirka hannaanka doorashada ee dhawaan ay Muqdisho ku gaareen dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

9/21/2020 12:27 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Hay'adaha amniga kenya ayaa kordhiyay amaanka goobaha laga yaabo in ay bartilmaameed ka dhigtaan kooxda Al-shabaab.