4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2020
Kenya oo xoojisay amaanka dalkeeda 7 sano kadib weerarkii westage Mall
 

Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Hay'adaha amniga kenya ayaa kordhiyay amaanka goobaha laga yaabo in ay bartilmaameed ka dhigtaan kooxda Al-shabaab.

Toddobo  sano kahor maanta oo kale, koox katirsan Al-shabaab ayaa galay suuqa Westgate Shopping Mall oo kuyaal Westlands, Nairobi, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 70 qof ayna ku dhaawaceen 200 kale.

Kooxda weerarkaas ka dambeysay ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen markii ciidanka Kenya ay dib ula wareegeen suuqa. Balse, dadka reer Kenya ayaa weli qaarkood aaminsan in ay baxsadeen qaar kamid ah dambiilayaasha.

Hay'adaha amniga Kenya ayaa sheegay inay habeen iyo maalinba ka shaqeynayeen sidii ay u uga hortagi lahaayeen qorshayaasha ay kooxda Al-shabaab ku doonayso inay sameyso weerarada noocan oo kale ah.

Booliisku waxay rumeysan yihiin in kooxda Al-shabaab ah ay weli khatar weyn ku tahay meelaha ku teedsan xadka Soomaaliya, iyagoo xusay in bartilmaameedyada ay ka mid yihiin shaqaalaha amniga iyo sidoo kale gawaarida safarka ah ee maraya waddooyinka xadka iyo gobolka xeebta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]