4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2020
Urur goboleedka IGAD oo ka digay Roobab mahiigaan ah oo kusoo wajahan Soomaaliya
 

Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la qaado talaabooyin ku haboon si looga hortago qatarta ka dhalan karta roobab mahiigaan ah oo la filayo inay ka da’aan Soomaaliya bartamaha bisha Sebtember, 2020.

Roobab culus oo ka sarreeya 200 mm ayaa laga filayaa inay ka da’aan gobolada waqooyi-bari ee Soomaaliya (Puntalnd) iyo meelo yar oo kamid ah bartamaha Itoobiya, sida lagu sheegay bayaanka IGAD.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in roobab fudud oo ka yar 50 mm la filayo inay ka da’aan qaybo ka mid ah waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya iyo dhul xeebeedka Jabuuti.

Puntland ayaa wasaaraddeeda deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada waxay ku wargalisay dadka deggan deegaanada dhulkeedu hooseeyo, meelaha biyo mareenka ah iyo Togaga inay ka digtoonaadaan daadadka ka dhalankara roobabka.

Digniintaan ayaa kusoo aadaysa, xilli Soomaaliya ay u diyaar garoobayso xilli roobaadka dayrta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]