4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2020
Maraykanka oo Kenya ka dalbaday in duqeymo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyaan gudaha dalkooda
 

Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Taliska Milatariga Mareykanka ee Afrika ayaa culeys saaraya si ay u fuliyaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones-ka oo lala beegsado dagaalamayasha Al-shabaab ee qaybo ka mid ah bariga Kenya.

Col. Christopher P. Karns, oo ah afhayeenka guud ee taliska Maraykanka, ayaa sheegay inay garwaaqsan yihiin baahida loo qabo in cadaadis caalami ah oo joogto ah la saaro Al-Shabaab iyo in lala socdo dhaq-dhaqaaqooda, joogitaankooda, iyo in si firfircoon loola dagaallamo si looga hortago faafitaankooda.

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay ogolaatay in duqeymaha laga fulin karo aagaga u dhexeeya Garissa iyo Lamu, oo isku xira saldhiga ciidamada cirka ee Manda Bay iyo gobolka xadka la leh Soomaaliya.

Bishii February ee sanadkan, madaxweyne Uhurru Kenyatta booqasho uu ku tagay aqalka cad, wuxuu ka codsaday Madaxweyne Trump in laga caawiyo la dagaallanka argagixisada, oo ay ka mid tahay taageero xagga cirka ah.

Safaaradda Kenya ee Washington si dhakhso ah ugama aysan jawaabin codsiga Uhuro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]