3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 15, 2020
Taliska Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay kiiskii kufsiga iyo dilka Xamdi Maxamed Faarax
 

Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay 11 eedeesane u xiran yihiin kiiska baarista magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraaid qabtay, ayaa u sheegay ehelada marxuumada iyo shacabka Soomaaliyeed in kiiska marxuumada uu meel wacan marayo.

Afhayeenku wuxuu sheegay in labo qof oo maxkamadu siidaysay ay ahaayeen dad aan wax lug ah ku lahayn falkaas, haddii loo baahdana ay hay’addaha amnigu mar walba soo xiri karaan.

Warbixinta afhayeenka waxaa lagu sheegay in kiisku weli baaris ku jiro ayna jiraan eedeesanayaal lagu raad joogo sidii loosoo qaban lahaa.

Hadalka afhayeenka booliiska ayaa yimid kadib dhaleecayn laamaha amniga uga timid qoyska marxuumada oo sheegayay in laamaha amnigu sidii loo baahnaa aysan kiiskaan u galin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/15/2020 12:32 PM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Qaramada midoobe iyo daneeyayaasha kale ee beesha caalamka ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay shirka magaalada Muqdisho uga socda madaxda dowladaha faderaalka qeybta ka ah iyo dowladda dhexe ee looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.

9/15/2020 12:31 PM EST
Talaado, 15 September, 2020 (HOL) -Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hogaamiyaan madaxdii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray eedeyn ay ujeediyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

9/15/2020 6:43 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Shiikh Nuur Baaruud oo kamid ah mashaa'ikhda waaweyn ee Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xeerkii Galmada ee Baarlamanka Soomaaliya la horgeeyay.

9/15/2020 5:33 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag dhan 233m oo shilinka Kenya ah, ayaa heli doona xoriyadiisa hadii uu bixiyo damiin lacageed oo dhan Sh3.25 million, sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay maxkamada Nairobi.

9/15/2020 5:04 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in baadhitaan uu isku sameeyay laga helay xanuunka Covid 19. Ma ahan masuulkii ugu horeeyay ee cudurka laga helo, balse arintiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo baxaysay cabsida la xiriirta in cudurku soo labo kacleeyay.

9/15/2020 3:44 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa maxkamad soo taagtay duqii magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari, Cali Bunow Qorane iyo Afar eedeysane oo kala ah Ibraahim Malow Nuur Madaxii Dhaqaalaha Gaarisa, Maxamed Axmed C/laahi Madaxii Lacagta, Cabdi Shaale, madaxii fulinta Dowlada Hoose iyo Axmed C / laahi Aadan Madaxii Xisaabaadka ee Dowlada Hoose.

9/15/2020 3:10 AM EST
Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Barlamaanka Soomaaliya ayaa faray wasaaradda amniga in ay barlamaanka horkeenaan sababaha ka dambeeya kufsiyo fool xun oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo dareenka bulshada aad u kiciyay.