4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 13, 2020
Is-risaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ka dhacday Wanlaweyn
 

Axad, September 13, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay 3 ruux , dhowr kalana way ku dhaawacantay,  Kadib is-risaaseyn dhex-martay askar ka wada tirsan ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Wanlaweyn.

Is-risaaseynta ayaa ka dhacday suuqa lagu magacaabo Muuri. Sida Ilo Goobjoog ahaa ay HOL u sheegeen shaqaaqada ayaa ka dhalatay muran ka bilowday labo askari.

Dadka ku geeriyooday shaqaaqadaas ayaa waxay labo kamid ah yihiin askartii dagaallantay, iyadoo dadka dhaawacmay ay kamid tahay haweeney la sheegay iney xaaladdeeda liidato.

Inkastoo xabaddii ay istaagtay haddana waxaa xeran suuqii la isku risaaseeyay oo kamid ah meelaha dadka u dukaameysi tagaan.

Weli maamulka Shabeellada hoose iyo Koonfur Galbeed intaba kama aysan hadlin shaqaaqada ka dhacday degmada Wanlaweyn.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]