4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 11, 2020
Dowladda Switzerland oo taageereysa Hay’adda UNFPA si kor loogu qaado Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka iyo La Dagaalanka Gudniinka Fircooniga ah
 

Jimco, September 11, 2020 (HOL) - Dowladda Switzerland ayaa ugu deeqday Hay’adda QM ee UNFPA deeq lacageed oo kor u dhaafeyso 4 million iyo bar oo dollarka Mareykana si loo xoojiyo dadaallada loogu jiro hagaajinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, la dagaallanka dhaqamada waxyeellada leh oo ay ka mid yihiin Gudniinka Fircooniga ah iyo awoodsiinta dhallinyarada ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war qoraal ah ay baahisay Safaarada Switzerland ee ku taala magaalada Nairobi malaayiin haween iyo gabdho ah oo ku nool Soomaaliya ayaa weli halis weyn ugu jira dhimashada xiliga dhalmada iyo gudniinka Fircooniga ah.

Dhimashada xiliga dhalmada ayaa ah mid aad u sareysa, iyadoo 20kii dumar ahba mid ka mid ah oo ay da'doodu tahay 15 jir u dhimato, halka la filan karo inay u dhintaan uurka ama dhibaatooyin la xiriira dhalmada marka ay gaaraan da'da 49. Faafitaanka gudniinka fircooniga ayaa gaaray 99 boqolkiiba dumarka iyo gabdhaha da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 49 sano jir.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan taageero siino Soomaaliya iyada oo loo marayo UNFPA, maadaama aan sii wadno wadashaqeynta si gacan looga geysto dib-u-dhiska nidaamka caafimaadka iyo wax ka qabashada caqabadaha gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha soo wajahay” ayuu yiri Thomas Oertle oo ah Agaasimaha Gobolka Geeska Afrika ee Hay’adda Iskaashiga Switzerland.

Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Mr. Anders Thomson ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey Dowlada Switzerland isagoo sheegay in taageeradan ay imaaneyso waqtiga saxda ah ee adeegyadan muhiimka ah inta badan loobaahanyahay, iyadoo lagu gudajiro aafada Covid-19, oo ah xilli nuglaanta iyo baahiyaha haweenka iyo gabdhaha ay xoogeysteen.

Abdisalan Nor Dirie, Hiiraan Online
[email protected]