4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 11, 2020
Madaxweyne Qoor-qoor iyo Xasan Shiikh oo Muqdisho ku kulmay
 

Jimco, September 11, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu kula kulmay Muqdisho madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadda dalka.

Kulanka oo ahaa mid albaabada ay u xernaayeen ayey mas'uuliyiintan wakhti dheer ku qaateen hooyga uu deganyahay Madaxweynaha Galmudug.

Maalmahii lasoo dhaafay Qoor-qoor ayaa kulamo lalahaa hoggaamiyayaasha mucaaradka ah iyo qaar kamid ah madaxda axsaabta Soomaaliya.

Waxa uu kusoo aadayaa kulanka madaxweyne Qoor-qoor uu la yeelanayo madaxdii hore ee dalka iyo mucaaradka Soomaaliya,  xilli dalka uu galay marxalad kala guur ah,  maalinta berri ahna,  mataxtooyada Soomaaliya uu ka dhacayo kulan looga hadlayo nooca doorasho ee dalku uu geli doono. 

Waxaana kulankaas isugu imaanaya madaxda maamul Goboleedyada,  Gobolka Banaadir iyo dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]