4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada
 

Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankan qado sharafeedka ah oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Dhuusomareeb3 oo furmi doona 12-ka bishan.

Qodobka 14-aad ee heshiiskii Dhuusomareeb3 ayaa dhigayay, in la xalliyo tabashooyinka ay qabaan Puntland iyo Jubbaland oo aan qeyb ka ahayn heshiiskaan sheegayna in aysan aqoonsanayn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]