3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 10, 2020
Qaramada Midoobay oo sheegtay in dhaqaale loo la'yahay wax ka qabashada fatahaadaha Soomaaliya
 

Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Hay'adda gargaarka bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhaqaale yarida sii socoto ay caqabad ku tahay wax u qabashada nafaha lagu badbaadiyo ee daadadka ka socda Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in guddiga la-talinta ee Sanduuqa Aadminimada Soomaaliya (SHF) ay ansixiyeen qoondeyn 9 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay meelaha ugu daran ee daadadka ay saameeyeen.

“Ilaa iyo hadda, 14 wada-hawlgalayaal ayaa dib u habeyn ku sameeyay 76,000 oo doolarka Mareykanka ah, waxayna codsadeen in waqtiga loo kordhiyo kharash la’aan awgeed, si loo hubiyo in la sii wado jawaabaha socda ee caafimaadka, biyaha, faya-dhowrka iyo sugnaanta cuntada oo ay weheliso qaadashada farsamooyinka ka hortagga COVID-19, ”ayay OCHA ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay.

Sida laga soo xigtay Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), in ka badan 650,000 oo Soomaali ah ayaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda tan iyo bishii Janaayo sababo la xiriira daadad iyo fatahaado wabiyadeed oo ka dhacay guud ahaan Soomaaliya.

Qiimeyn deg deg ah oo la sameeyay bishii Ogosto waxay muujineysaa in bulshooyinka ku nool Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka mid yihiin kuwa ugu daran.

OCHA, waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadka cusub ee soo barokacay ay hadda ku nool yihiin guryo cariiri ah, oo ka sameysan dhar duug ah, baco, kartoono iyo ulo oo horeyba ugu xumaa nolasha Barakacayaasha (IDP).

Gargaarka bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in sanduuqa bani'aadamnimada ee Soomaaliya uu sidoo kale sii wadayo taageerida codsiyada dib-u-dejinta ee la xiriira COVID-19 ee la-hawlgalayaasheeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/10/2020 2:02 PM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo dhowr degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan iney hoobiyayaal kusoo dhaceen, welina lamasoo sheegin wax khasaaro ah.

9/10/2020 12:16 PM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

9/10/2020 10:09 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Waxaa maanta aan ka furmin magaalada Muqdisho shirkii Madaxda maamul goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana lagu waday in la billaabo ka haddalka marxaladda Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda kala guurka ah iyo sida loo qabanayo doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

9/10/2020 9:46 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taalla magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

9/10/2020 9:41 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo wada-hadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan shirka la filayo inuu madaxweynaha maamulkaas uga qeyb-galo Muqdisho.

9/10/2020 2:52 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta la filayaa inuu Muqdisho ka furmo, iyadoo shalay galab magaalada Muqdisho soo gaareen madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug.

9/10/2020 2:40 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Abaanduulaha cusub ee ciidamada howlgalka midowga Africa ee AMISOM, Lt Gen Diomede Ndegeya ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagey qeybta 1-aad oo ay ka howlgalaan ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.