4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 10, 2020
Abaanduulaha cusub ee ciidamada AMISOM oo booqasho ku tegey talisyada ciidamada Amisom
 

Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Abaanduulaha cusub ee ciidamada howlgalka midowga Africa ee AMISOM, Lt Gen Diomede Ndegeya ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagey qeybta 1-aad oo ay ka howlgalaan ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Abaanduulaha ciidanku wuxuu ku guda jiraa socdaal barasho uu ku marayo dhammaan qaybaha AMISOM ee Soomaaliya, oo uu ugu horeeyo waaxda koowaad.

General Ndegeya waxaa qaabilay taliye kuxigeenka qaybta 1-aad oo sidoo kale ah ku xigeenka taliyaha Uganda, Col John Winston Mugarura.

Abaanduulaha ciidamada ayaa ku amaanay ciidamada Uganda ee AMISOM qabsashadii ay dhawaan ka qabsadeen Alshabaab degaanada Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle, Ceel Salini iyo Jannaale, oo katirsan gobolka Shabeelada hoose.

Janaraal Ndegeya wuxuu amaanay askartii dhimatay intii ay kujireen shaqada Soomaaliya. “Xaqiiqdii, maanta ma fadhiisan lahayn halkan si raaxo leh haddii aysan ahayn geesinimadooda ku aaddan nabadeynta Soomaaliya. Marnaba ma hilmaami doono iyaga waxaanan u dagaalami doonnaa ilaa dhamaadka ilaa iyo inta aysan Shabaab ka sii joogi doonin Soomaaliya, illaa aan ka dhammeyno wixii ay bilaabeen, ”ayuu yiri Gen.Ndegeya.

Ciidamada Uganda ayaa gacanta ku haya aagga ugu ballaaran Soomaaliya kadib markii la geeyay waaxda koowaad ee Banaadir iyo gobolka Shabeellada Hoose iyagoo Al-shabaab riixay masaafo 200km u jirta magaalada Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]