3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 17, 2020
Kenya oo ka hor timid in Maraykanka uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya
 

Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa ka hor timid tallaabada Mareykanka uu ciidamadiisa ugala baxayo Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa waxay sheegtay in tallaabada noocan oo kale ah ay u badan tahay inay khatar gelinayso qorshaha amni ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo horumarinta ujeeddada guud ee bulshada caalamka.

Xoghayaha guud ee arrimaha dibadda, Kamau Macharia ayaa sheegay in Kenya ay mudooyinkii la soo dhaafay la kulmaysay dib u dhac dhaqaale kadib weeraradii kooxda Alshabaab ka geysatay dalkeeda, oo ay ku jiraan weeraradii Westgate Mall, Dusit 2 Hotel iyo kuwo kale.

Hadalka Macharia ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu ku wargaliyay la taliyayaashiisa sare inuu doonayo inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya.

Qoraal uu daabacay Bloomberg ayaa lagu sheegay in tani ay u oggolaan doonto Trump inuu ka dhabeeyo ballanqaadyadii ololaha ee ahaa inuu askarta dalkooda keenayo in kasta oo Soomaaliya ay weli ku sugan tahay khatar weyn oo kaga imaaneysa Alshabab iyo Daacish.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga 650 ilaa 800 oo askari, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika, waxaa ku jira saraakiil gacan ka geysanaya tababarka ciidamada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/17/2020 4:10 PM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay in Qaadka dalka Ethoipia uu si sharci ah kusoo gale karo dalka Soomaaliya, ayada oo wali dalka Kenya ay saarantahay xayiraaddii lagu soo rogay.

10/17/2020 1:37 PM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in halkaasi maanta gaareen ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.

10/17/2020 8:45 AM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.

10/17/2020 8:41 AM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Garowe ka dhacay xukun qisaas ah oo lagu fuliyay Faarax Cabdi Maxamed oo horey u dilay hooyadiis, sida uu sheegay xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax.

10/17/2020 8:38 AM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Nabadoon Xuseen Xaaji Ibraahim oo ah guddoomiyaha beesha jareerweyne ee degaanada Puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyay xarriga 12 dhalinyaro ah oo kasoo jeeda beeshaas, kuwaas oo muddo ku dhow 8 bilood ah u xiran kiiska dilkii gudoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay 29 maarso ee sanadkan.

10/17/2020 12:54 AM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Guddoomiyihii maxkamada racfaanka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Maxmuud Cismaan Aadan ayaa ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa maalintii shalay.

10/17/2020 12:51 AM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Duulimaadyada Qaramada Midoobay ee daadgureynta muhaajiriinta ku xayiran Liibiya ayaa dib loo bilaabay ka dib markii loo hakiyay sababo la xiriira safmarka Covid19, sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay.