4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay joogitaanka ciidamada Maraykanka gudaha Soomaaliya
 

Jimco, October 16, 2020 (HOL) - Madaxweynaya dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay taageerada milatari ee uu Maraykanku siiyo dowladdiisa, taasoo uu sheegay inay ka caawinayso dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Hadalkaan ayaa u muuqda mid madaxweyne Farmaajo uu kaga falcelinayo dareenka ku saabsan joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay in ciidamadiisa uu kala soo baxayo Soomaaliya.

“Taageerada milatari ee Mareykanku siiyo Soomaaliya waxay noo suurta gelisay inaan si hufan ula dagaallano Al-Shabab una sugno amniga Geeska Afrika. Guul laga gaaro safarkan iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa lagu gaari karaa oo keliya iskaashi joogto ah oo xagga amniga ah,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa afar sano ka hor ololihiisii doorashada ku ballanqaaday inuu ciidamada Maraykanka dib ugusoo celinayo dalkooda, balse taasi ma dhicin, in lasii kordhiyo mooyee.

Trump aya mar kale ololihiisa doorashada ku galaya inuu fulinayo ballanqaadkiisii hore xilli ay doorashadu ka dhiman tahay muddo saddex todobaad kayar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]