3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2020
Cali Cabdullaahi Cosoble "Reer Hiiraanoow dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan"
 

Jimco, October 16, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa shaaciyay dareenka uu ka qabo sida ay u socdaan howlaha doorashooyinka maamulka Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi ayaa qoraal xasaasi ah soo dhigay bartiisa Facebook waxuu kaga hadlay sidii ay shacabka reer Hiiraan ay ugu diyaar garoobi lahayeen doorashooyinka maamul u sameynta Hirshabelle ee ka socota magaalada Jowhar in sido kale laga bilaabo magaalada  Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cosoble ayaa si aan gambasho laheyn ugu sheegay shacabka reer Hiiraan iney dhistaan maamul u gaar ah maadama uu sheegay waxa Jowhar ka socda iney yihiin fowdo anan geed loogu soo gamban.

“Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan" ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble

Hadalka madaxweynahii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi ayaa kusoo beegmaya xili shalay ay gaareen magaalada Jowhar madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo safarkiisa ay qeyb ka ahayeen guddoomiyeyaashii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo C/fataax Xasan Afrax kuwaas oo Jowhar ka sheegay iney u joogaan sidii ay u dhisi lahayeen Hirshabelle cusub xili beelaha ay kasoo jeedaan aysan wali ku qancin hab dhismeedka Hirshabelleda cusub.

Ugu dambeyntii madaxweynahii hore ee Hirshabelle Cali Csible ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay "Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa, fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan"

Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa u muuqanaya iyagoo markii labaad diidan dhismaha maamulka Hirshabelle in la doonayo in markale lagu hordhiso maamulka cusub.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/16/2020 6:54 PM EST
Jimco, October 16, 2020 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa shaaciyay in ay dowladda Soomaaliya cafis u fidisay ciiddanka iyo saraakiisha uu hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ee gudaha u galay Kenya.

10/16/2020 8:35 AM EST
Jimco, October 16, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhaba gal ah oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo lagu sameyay kolanyo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya xili ay marayeen nawaaxiga deegaanka Buurweyn oo u dhaxeysa magaalooyinka Buula burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

10/16/2020 6:50 AM EST
Jimco, October 16, 2020 (HOL) - Madaxweynaya dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay taageerada milatari ee uu Maraykanku siiyo dowladdiisa, taasoo uu sheegay inay ka caawinayso dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.