4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2020
Saxafi iyo gabyaa Eritrea u dhashay oo la abaal mariyay isaga oo aan raq iyo ruux lagu hayn 19 sano
    

Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Qoyska gabyaagii reer Eritrea ee la waysanaa ayaa soo dhoweeyay in la maamuuso wiilkoodii, kadib markii loo aqoonsaday inuu astaahilo abaal marinta caalamiga ah ee PEN ee lagu dhiirra-geliyay qoraayada iyo hal-abuurka.

Mr Amanuel ayaan la arkin muddo 19 sano ah, tan iyo markii lagu xeray Eritrea , waxa uu ahaa tifaftiraha wargeyska Zemen.

Gabyaaga la abaal mariyay isagoo aan nolol iyo geeri midna lagu hayn walaalkii Daniel Asrat Mebrahtu oo la hadlay Barnaamijka BBC’s News day ayaa waxa uu sheegay in ay xanuun badantahay in walaalkii aan lagu hayn illaa iyo maanta raq iyo ruux midna, lana ogeyn halka uu jiro.

“Abaal marintan wuu u qalmay, waxayna qoys ahaan nagu noqotay filan waa’” ayuu hadalkiisa ku daray..

Saxafiga iyo gabyaaga Amanuel ayaa waxa uu ahaa nin hadallo adag oo si weyn u dhaliili jiray dowladda Asmara, ka hor inta aan la xerin ee la waayin.

Dalka Eritrea ayaa waxa uu kamid yahay waddamada Afrika ee ugu hooseeya ilaalinta xuquuqda hadalka, waxayna dowladda si adag ula dhaqantaa saxafiyiinta iyo dadka mucaaradka ku ah intaba.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]