3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2020
Amaanka degmada Buula burte iyo sidii go'doonka looga saari lahaa oo laga shiray
 

Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Maxamuud Tareedishe iyo taliyaha guutada 5-aad Korneel Maxamuud Xasan Ibraahin Baakaay ayaa maanta kulan looga hadlayay amaanka guud ee degmada Buula burte la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Taliyeyaasha qeybta 27-aad iyo guutada 5-aad ayaa Sarakiisha amniga degmada Buula burte kala hadlay xaalada amaan ee degmadaasi iyo waliba sidii go'doonka looga saari lahaa Buula burte oo muddo 7 sanno ah ku jirta xaalad go'doon ah oo ay galiyeen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Degmada Buula burte oo dhacda bartamaha gobolka Hiiraan ayaa ah degmo istaraatiiji ah waxaana kulanka maanta la sheegay in leesla meel dhigay xaqiijinta amaanka guud ee degmada iyo sidii loo furi lahaa wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Baledweyne iyo Buula Burte.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/12/2020 2:06 PM EST
Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Shirkadda maamusha dekeddaha Turkiga ee Albayrak iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis shirkadda siinaya in ay muddo 14 sano ah sii maamusho Dekedda Muqdisho.

10/12/2020 10:39 AM EST
Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Sida uu sheegay wasiirka beeraha iyo waraabka ee dowladda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa waxa uu sheegay in deegaanno badan oo ku yaalla Galmudug uu iminka dhibaato ba’an ku hayo mowjado Ayax oo dib u kacay, kuwaas oo baabi’inaya dhammaan dalagga beeraha iyo daaqsinka deegaanka.

10/12/2020 10:37 AM EST
Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo saaray war qoraal ah ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta calanka dalka ee ku beegsan 12-ka, October. Waxa uuna guud ahaan shacabka ugu baaqay in la ilaaliyo qarannimada iyo kala dembeynta waddanka.

10/12/2020 10:36 AM EST
Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ayaa waxa uu maanta magaalada Baydhaba uu kula kulmay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, waxaana sidoo kale shirkaasi joogay Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi.

10/12/2020 7:13 AM EST
Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in kooxda alshabab ay malaayiin doolar ka hesho canshuuraha ayna dhaqaalahaas ku kaydsadaan bangiyada maxalliga ah, sida laga soo xigtay warbixin cusub oo kasoo baxday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

10/12/2020 7:08 AM EST
Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsi daa’in ku xukuntay labo nin oo katirsan ururka Alshabaab, kuwaas oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir.