4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2020
Ayaxa dhibaato badan ku hayo Gobollada dhexe ee Soomaaliya
 

Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Sida uu sheegay wasiirka beeraha iyo waraabka ee dowladda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa waxa uu sheegay in deegaanno badan oo ku yaalla Galmudug uu iminka dhibaato ba’an ku hayo mowjado Ayax oo dib u kacay, kuwaas oo baabi’inaya dhammaan dalagga beeraha iyo daaqsinka deegaanka.

Meelaha hadda aadka uu Ayaxa u dhibaateeyay waxaa kamid ah magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Cabduwaaq, waxa uuna kasoo gudbay dhinaca deegaanno ka tirsan Puntland.

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya Saciid useen Ciid ayaa waxa uu BBC-da u sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda beeraha iyo waraabka Qaramada midoobe ee FAO, iney buufiyeen deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya, balse weli Ayaxa uu dhibaato xooggan ku hayo deegaanka .

“Halkii meel uu fadhiisto wuxuu baabi’inayaa wax la’eg intii ay cuni lahaayeen 35 kun oo ruux’”ayuu sheegay wasiirka beeraha Soomaaliya.

Ayaxa ayaa kasoo gudbay xeebaha waddanka Yemen, waxa uuna hadda dhibaato badan ku hayaa deegaanka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]