4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2020
Qaramada Midoobay oo walaac xoogan ka muujisay dhaqaalaha xoogan ee Alshabab kasoo gala canshuuraha
 

Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in kooxda alshabab ay malaayiin doolar ka hesho canshuuraha ayna dhaqaalahaas ku kaydsadaan  bangiyada maxalliga ah, sida laga soo xigtay warbixin cusub oo kasoo baxday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Guddi khubaro ka socda Golaha Amniga oo dusha kala socda arrimaha Soomaaliya ayaa soo saaray warbixintaan, oo aan weli bulshada loo soo bandhigin, balse New York Times ay heshay nuqul kamid ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab gudaha u galeen dekedda Muqdisho, iyagoo si hoose u qaata canshuuraha badeecadaha.

Guddiga warbixintan soo saaray ayaa dhaleeceeyay dowladda Soomaaliya, waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay qaaddo tillaabooyin ay ku casriyeyneyso bangiyadeeda si kooxaha sida Shabaab ee cunaqabateynta saaran aysan uga faa’iideysan daciifnimada nidaamka.

“Adeegsiga Al-Shabab ee nidaamka bangiyada wuxuu awood u siinayaa in si dhaqso ah loogu gudbiyo dhaqaalaha," ayaa lagu yiri warbixinta.

Muddadii warbixinta lagu jiray, laga soo billaabo Diseembar illaa iyo Ogosto, qorayaasha warbixintu waxay heleen caddeyn muujineysa in Al-Shabaab ay u soo xarootay dakhli dhan 13 milyan oo doollar.

Qiyaastii $ 2.4 milyan kamid ah lacagtan waxaa la sheegay in ay kasoo xarootay kantaroolada Alshabaab ee gobolka Jubbada Hoose, halka $ 5.8 milyana laga soo aruriyay dekedda kismaayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]