4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 11, 2020
Maxabiis badan oo katirsan Daacish oo lagasii deynayo xabsiyada
 

Axad, October 11, 2020 (HOL) - Golaha Dimuqraadiga ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay in ay 25,000 oo muwaadiniin reer Suuriya ah oo katirsan Daacish oo ku jira xerada caanka ah ee Al Hol lagu sii deyn doono qorshe guud oo cafis ah.

Madaxa Golaha Dimuqraadiga Suuriya, Elham Ahmed ayaa sheegay in lasii deyn doono iyadoo loo cuskanayo hubinta in maxaabiista aysan ku biiri doonin Daesh ama aysan ku kici doonin falal dambiyeed.

Tallaabadani ayaa waxay daba socotaa kadib markii YPG, ay sidoo kale siidaayeen 6,000 dagaalame oo katirsanaa jabhadda hubaysan ee PKK.

Maxaabiista la sii daayay ee katirsan PKK ayaa asal ahaan ka soo jeeda Suuriya iyadoo lagu saleynayo kafaalo qaadis qabiileed.

Tallaabadan ugu dambeysay waxay albaabada u fureysaa walaaca laga qabo dib-u-soo- curashada Daacishta Suuriya halka kooxda Daacish ay wali leeyihiin saldhigyo hawlgal.

Xerada Al Hol waxaa si rasmi ah loogu aqoonsan yahay inay tahay xero barokacayaal, laakiin inta badan maxaabiista ku jirta ayaa loo aqoonsan yahay inay yihiin xubno ka tirsan DAACISH ama la dhacsan.

Xerada ayaa martigalisay qiyaastii 73,000 oo ay kujiraan 42,000 oo ajaanib ah - waxayna caan ku tahay xaaladdaha bina-aadamnimo ee aan sugnayn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]