4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2020
Maamulka gobolka Hiiraan oo xabsiga dhigay shaqaalaha Shirkadda Korontada Baledweyne
 

Sabti, November, 21 2020 (HOL) - Maamulka gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay 7 ruux oo ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Korontada Dayax Power Supply xafiiskeeda Baledweyne.

Maamulka aya maanta albaabada isugu dhuftay xaruntii Shirkadda dabadeedna horay usoo ka xeyay shaqaaalahii ku sugna xafiiska xabsigana dhigay.

Arintan ayaa timid kadib markii xarumaha maamulka gobolka laga jaray korontadii laga isticmalayay kadib markii ay bixin waayeen lacago fara badan oo ku aruurtay sida uu Shabakadda HOL uu u sheegay mid ka mid ah madaxda Shirkadda Dayax Power Supply.

"laga soo bilaabo ilaa sanadkii 2015 Maamul kasto oo lasoo magacaabo gobolka Hiiraan waxuu rabay inuusan bixinin lacagta korontada oo ay si bilash ah ku isticmaalan oo aysan Shirkaddu raali ka aheyn "ayuu yiri madaxa Iibka iyo suuq-geynta Shirkadda Dayax Power Supply Xasan C/raxmaan Maxamed (Xasan Happy)

Arintan ayaa kusoo aaday xili uu magaalada Baledweyne ku sugan yahay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed laguna wado in maalmaha soo socda ay magaalada Baledweyne soo gaaraan madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Mahan markii ugu horeysay oo maamulka gobolka  laga jarto korontada ay isticmaalaan lacag ay bixin waayeen darteed waana markii sadaxaad oo sanadkan gudahiisa korontada laga jarayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]