4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2020
Kheyre oo raaligalin ka bixiyay weerarkii saddex sano ka hor lagu qaaday guriga CC Warsame

 

Sabti, November, 21 2020 (HOL) -  Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo hadda ah musharax u taaga xilka madaxweynaha doorashada dhawaan dalka ka dhaceysa ayaa raalingalin buuxda ka bixiyay weerarkii saddex sano ka hor 17 Dec 2017 lagu qaaday guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in Xassan Cali Kheyre oo soo booqday xarunta Xisbiga uu raaligalin ka bixiyay weerarkaas oo ay geysteen ayuu yiri ciidamo ka tirsan dowladda waqtigii uu dalka Ra'iisal Wasaaraha ka ahaa.

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha Xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne  Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay” ayuu yiri Kheyre.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhinaca mas'uuliyiinta kale ee dowladda ka dalbaday in ay qaadaan tallaabo la mid ah tan uu qaaday mudane Kheyre'' “Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dawlada ee weerarka ku lug lahaa in ay fursadan oo kale weli u furan tahay.”

Raaligalinta Xassan Cali Kheyre ayaa imaneysa xili maanta lagu wado in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo midowga musharixiinta garabka mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda kuwaa oo kulankooda uga wada hadali doona arrimaha doorashada dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]