4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 20, 2020
Axmed Ciise Cawad'' Waan u sheegay madaxweynaha in aan diyaar u aheyn xiligan xil kale oo aan qabto

 

Jicmo, November, 20, 2020 (HOL) -Wasiirkii hore ee Wasaarradda Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo wareegto ka soo baxay xafiiska Ra''iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya xilka looga qaaday ayaa ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistiisa iyo in la tashi lagala sameeyay.

Cawad ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iska arkeen arinkan ka hor inta aan xilka laga qaadin'' Madaxweynaha waan iska aragnay wuuna ii sheegay in xilka leyga qaadayo Annigana waan aqbalay''

Wuxuu meesha ka saaray in xil ka qaadistiisa lala xiriirinayo warqadii ka soo baxday Wasaarradda ee ka dhanka aheyn  qalalaasaha Itoobiya oo markii danbe dib looga noqday..

Cawad ayaa dhinaca kale sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u soo bandhigay xil kale oo ah safiir, laakiin wuxuu yiri'' Anniga ayaa arinkaa ka cudur daartay, maxaa yeelay waqtigan diyaar uma ihi in aan qabto xil kale, waayo muddo dheer ayaan soo shaqeeyay daal ayaa jira waxaan rabaa in aan qoyska waqti la qaato, madaxweyaha-na waan uga mahad celinayaa in uu fursad kale ii soo bandhigay oo dadka iyo dalka aan ugu adeegi karo''

Ra''iisal Wasaare Rooble ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]