4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 19, 2020
Guddoomiyaha aqalka sare oo soo saaray habraaca lagu maamulayo doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi
 

Khamiis, November, 19, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa soo saaray Habraaca lagu maamulayo doorashada Xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi (Somaliland).

Tallaabadan uu ku dhawaaqay guddoomiyaha aqalka sare ayaa kusoo aadaysa xilli ay dowladda federalka horey u magacowday guddiyada maamulidoona doorashooyinka kuraasta gobolada waqooyi.

Weli waxaa muuqata in khilaafka sii xoogaysanayso islamarkaana siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta gobolada waqooyi  noqdeen labo garab oo kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka.

Sida ka muuqata qoraalkaan, guddoomiyaha aqalka sare ayaa ku adkaysanaysa in habraaca doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi loo marayo hannaanka ay ku yimaadeen sanadkii 2016.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]