4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble'' Hal Qof oo Askari ah kama tirsana Guddiyada Doorashada

 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) Ra'iiisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doodda siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka dhanka ah Guddiyada Doorashada.

Rooble ayaa sheegay in Guddigayada lagu soo xulay sida uu hadalka u dhigay sharuudo markii horeba lagu heshiiyay, isaga oo meesha ka saaray in Askar ka tirsan NISA ku jiraan guddiyada ay dowladdu magacaawday.

''Waxaa jira sharuudo lagu xiray qofka guddiyadan ka mid noqonaya oo ah in uu Soomaali yahay, in uu Muslim yahay, In uu horay maamul u soo qabtay, waa run Askarigu waa muwaadin Soomaaliyeed, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa in hal Askari uusan ka mid aheyn guddiyada la soo magacaabay'' ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Rooble.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayuu ugu laabqaboojiyay in ay iska dhaafaan walwalka ay ka qabaan doorashada isaga oo yiri'' walaalayaal walalka iska daaya, Annaga ayaa meesha idin jooga, doorasho leydinka boobayana ma jirto'; ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddiyada ayuu ku tilmaamay oo kaliya in ay yihiin kuwo farsamo oo kaliya, laakiin aysan aheyn xubnihii soo dooran lahaa xildhibaannada oo ka imanaya ergo ay beeluhu soo xusheen, waa markii ugu horreysay oo uu Ra'iisal Wasaaruhu si toos ah uga hadlo doodda ka taagan guddiyada doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]