4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 17, 2020
Qarax uu fuliyay qof ismiidaamiye ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar uu geystay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo ka dhacay gudaha maqaaxi ku taala degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho.

Gaar ahaan maqaayadan la weerarray ayaa la sheegay in wax yar uu jirto Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye ee School Polizio.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan si rasmi ah loo cadeyn tirada dadka ay wax-yaaladu soo gaartay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]