4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 17, 2020
Madaxda Qaarrada Africa oo ku howlan soo afjarida dagaalka Waqooyiga Itoobiya

 

Talaado, November, 17, 2020 (HOL) -Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa u taggaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si uu isugu dayo in uu dhexdhexaadiyo dowladda Federaalka iyo maamulka Tigrayga isaga oo ku soo biiraya dadaallada nabadeed ee socda.

Dalalka Uganda iyo Kenya oo ay hoggaaminayaan madaxweynayaashooda ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada la doonayo in dowladda Itoobiya iyo madaxda Tigrayga looga dhaadhiciyo in wixii khilaaf ah ee jira lagu dhameeyo hab nabaddeed iyo wadahadal.

Waqooyiga dalka Itoobiya  ka soconaya dagaalkii xoogganaa ee u dhaxeeya ciidammada Federaalka ee dalkaasi iyo kuwa daacadda u ah maamulka gobolka Tigrayg.

Dhawaan ayeey aheyd markii Tigraygu ay madaafiic ku weerarreen deegaanno ka baxsan halka ay dirirtu ka socto gaar ahaan magaalada Asmar ee dalka Eritrea.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]