4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2020
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo guddiyo muhiim ah ansixiyay

 

Isniin, November, 16, 2020 (HOL)- Kulan  Maanta oo Isniin ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxa ay ku ansixiyeen Guddiga adeega garsoorka iyo sidoo kale u codeynta xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shirkan guddoominayay ayaa sidoo kale waxaa joogay  ayaa soo xaadiray ilaa 140 Xildhibaan, kuwaasi oo xalay loo farriismo ku aadan kulankii dhacay.

Xildhibaannada ayaa ka doodday u codeynta xubnaha Guddiga adeega garsoorka iyo Sidoo kale u codeynta xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa,

Ugu danbeyntii xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka oo ka kooban 7 xubnood.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]