4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 15, 2020
Dowladda Soomaaliya oo 30 sano kadib dib u furatay safaaradeedii magaalada Nairobi
 

Axad, November, 15, 2020 HOL) - 30 sano kadib, dowladda Soomaaliya ayaa dib u furatay safaaradeedii magaalada Nairobi, taasoo lagu soo celiyey gacanta dowlada, kadib markii maxkamad ku taal Kenya ay horey u xukuntay in safaarada si sharci daro ah loo iibiyey.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in dadaal dheer loo galay  dib u furida safaaradda, isagoo sheegay in lagu sameeyay dayactir ku kacay $ 310,000.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa bixisay $ 200,000 halka inta kalena ay ku deeqeen dadka Soomaaliyeed.

“Haddaanu nahay Soomaali, waxaa farxad weyn iyo karaamo inoo ah, in aan 30 sano dabadeed, soo ceshano safaaraddeennii iyo haybadii ay lahayd. Safaaraddu waa muraayadii laga fiirsanayay Soomaaliya,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Safiirka Soomaaliya ayaa qiray haddii aysan shacabka Soomaaliyeed ka qeyb qaadan lahayn dadaalkaan in aysan safaaradda furmi lahayn, wuxuuna tilmaamay in lacag ka badan boqol kun oo dollar ay shacabka Soomaaliyeed ku taageereen dib u dhiska safaaradda.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay dib ufurida Soomaaliya ee Kenya in ay muujinayso in ay Soomaaliya dib u soo noolaatay islamarkaana ay soo ceshatay sharafteedii.

“Wax badan ayaynu ahayn dad iyo dal dayacan, laakiin maanta safaaraddaheennii ayaa dib loo dhisayaa, waxaana kaalin lixaad leh ka qaadanaya jaaliyaddaheena dibadda,” ayuu yiri wasiir Cawad.

Sanadkii 2010 ayay ahayd markii maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ay xukuntay in gurigii safaaraada Soomaaliya ee Nairobi loo celiyo dowladda Soomaaliya taas oo si sharci darro ah looga iibiyay nin u dhashay Kenya.

Dhismaha safaarada ayaa si sharci darro ah loo iibiyay markii ay dowladdii hore ee Soomaaliya ay dhacday, waxaa nin ganacsade ah oo kenya u dhashay ka iibiyay xubno ka tirsanaa safaaradii Soomaaliya ee waagaas jirtay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]