4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 15, 2020
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Gantaaallo lagu weeraray magaalada Asmara

 

Axad, November, 15, 2020 HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gantaallo lagu weeraray magaalada Asmara ee dalka Eritrea fiidnimadii xalay wax yar uu kaddib markii saraakiisha TPLF ku hanjbeen weerarka Asmara.

Horey waxey sidan oo kale xoogagga TPLF u weerarreen magaalooyinka Bahar Dar iyo Gonder oo ka wada tirsan gobolka Amhara ee dalka Itoobiya.

Weerarka xalay lagu qaaday magaalada Asmara ayaa sababay cabsi weyn oo soo food saartay dadka rayidka ah oo intooda badan isaga cararay guryihiin ay ku noolaayeen.

Madaafiicdan qaarkood ayaa ku dhacay xarunta Wasaarradda Warfaafinta iyo Garoonka diyaaradaha dalkaasi Eritrea lamana khasaaraha ka dhashay.

Dagaalka ka soconaya gobolka Tigrayga ayaa u muuqda hadda mid saameyntiisa laga dareemayo deegaanno ka baxsan halka lagu dirirayo iyadoo ay jiraan baaqyo kala duwan  oo loo jeedinayo dhinacyada dagaalamaya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]