4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 14, 2020
Puntland oo siidaysay 6 dhalinyaro ah oo u xirnaa dilkii guddoomiyihii gobolka Nugaal
 

Sabti, November, 14, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta sii daysay 6 dhalinyaro oo qeyb ka ahaa dad loo haystay inay ku lug lahaayeen dilkii guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan  Gujir, oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay 29 bishii March ee sanadkaan.

Dhalinyarada maanta xoriyadooda helay ayaa intuba waxay yihiin dhalinyarada ka shaqeysata dhaqida baabuurta, kuwaas oo muddo ka badan 8 bilood ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.

Maxkamada gobolka Nugaal ayaa ku weyday wax dambi ah, waxayna go’aamisay in xoriyadooda loosoo celiyo sida uu HOL, u sheegay sarkaal katirsan laamaha amniga.

Maalinta berito ayaa sidoo kale la filayaa inay Puntland sii dayso labo qof oo kale oo iyagana lagu waayay wax dambi ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa todobaadyo ka hor hay’addaha garsoorka u sheegay in aan xabsiyada lagu hayn karin cid aan dambi lahayn.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale la siidaayay 7 qof oo iyagana kiiskaan u xirnaa, kuwaas oo ay ku jireen macalimiin dugsi qur'aan.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]