4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
Colaad ka taagan gobolka Mudug oo lagu baaqay in la joojiyo

 

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL)- Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa ku baaqay in deg deg loo soo afjaro colaad u dhaxeysa labo beelood oo wada diga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Gaar ahaan colaadan ayaa ka taagan deegaan lagu magacaabo Hul-Dooyaale oo dhowr jeer oo hore ay dagaalo ka dhaceen.

Dadka baaqan diray ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ku-xigeynka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa labada beelood ka dalbaday in wixii jira wada hadal lagu dhameeyo.

Gobollada dhexe inta badan waxaa ku soo noqnoqda dagaalada ku saleysan aanooyinka Qabiilka , waxaana ay intooda badan salka ku hayaan muranka ka dhasha deegaanka iyo dhul qaasimeedka oo dadka reer miyiga muhiim gaar ah u leh.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]