4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
UNICEF oo shaacisay ku dhawaad $3 million oo lagu taageerayo horumarinta waxbarashada Puntland
 

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay, UNICEF, ayaa shaaciyay in uu 2.9 milyan oo doolarka Mareykanka ah ay ku taageeridoonto horumarinta waxbarashada Puntland.

Dhaqaalahan oo UNICEF ay ka heshay sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada, ayay sheegtay in uu kobcin doono helitaanka iyo kor u qaadista tayada waxbarashada aasaasiga ah ee carruurta ay dhibaatadu saameysey ee ku nool dowlad goboleedka Puntland.

Hayaddu waxay sheegtay in wasaaradda waxbarashada Puntland iyo bahwadaagta ay iska kaashan doonaan kordhinta helitaanka sinnaanta waxbarashada, kor u qaadista tayada waxbarashada iyo xoojinta nidaamyada maaraynta waxbarashada ee Puntland.

"Lacagtan cusubi ma caawinayso oo keliya in carruur badan la siiyo fursad ay ku aadaan iskuullada laakiin waxay sidoo kale ku qalabaynaysaa aqoonta iyo xirfadaha ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan nolosha," ayuu yiri Jesper Moller, Wakiilka UNICEF Somalia ee ku-meel-gaarka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]