4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2020
Madaxweyne Deni oo wasiirro cusub magacaabay kuwo kalena eryay
 

Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa caawo shaqada ka eryay wasiirro iyo ku xigeeno katirsanaa golihiisa wasiiradda, isagoo kuwa kale ku bedelay.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu xilkii ka qaaday labo wasiir oo kala ah, wasiirkii warfaafinta, Cali Sabarey iyo wasiirkii kalluumaysiga Faarax Cawaash.

Labadan wasiir ee lagu bedelay labo xubnood oo horey wasiirro ugasoo noqday maamuladii hore ee Puntland, waxayna kala yihiin, Cabdulaahi Xirsi Timacadde, oo loo magacaabay wasiirka warfaafinta. Wuxuu horey u ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamulkii Cabdiweli Gaas.

Wasiirka labaad ee la magacaabay, waa wasiirka kalluumaysiga Puntland waxaana loo magacaabay Maxamuud Xaaji Saalax. Wuxuu horey usoo noqday wasiirkii beeraha iyo waraabka maamulkii Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa magacaabay wasiir ku xigeeno cusub, kuwaas oo kala ah,

Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan), Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda.

Ismaacil Saleeban Geelle. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga.

Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe), Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta

Saynab Ismaciil Maxamed, Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda

Maxamed Axmed Xasan. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

Maxamed Axmed Ismacil (Deero Dile). Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.

Magacaabistaan, waxaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu kala tashaday madaxweyne ku xigeenka Puntland oo uu horey khilaafka uga dhexeeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]