4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2020
Mareykanka oo Ruushka dartii uga baxaya heshiis uu saxiixay ku dhowaad labaatan sano ka hor
 

Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Madaxweyne Donald J. Trump ayaa mar kale sheegay hadallo adag oo xanaf leh oo ay dhibsan doonaan dalal badan oo uu kamid yahay Ruushka, kadib markii uu qeexay in waddankiisa uu ka bixi doono heshiis horay loo galay oo dhigayay in diyaaradaha aan hubeysneyn ay si xor ah ku gooshi karaan hawada dhinacyada heshiinkaan saxiixay.

Mareykanka ayaa heshiiskaan uu ka baxayo waxaa la saxiixay sanadkii 2002-dii. Waxaana ka qeyb ah Canada, Ruushka , Ingiriiska iyo dalal kale. Iyadoo guud ahaan waddamada ku bahoobay ay gaarayaan 35 dal.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale dhigaya in waddamadaasi aysan iska soo weerarin hawada sare .

Madaxweyne Trump  oo la hadlay warbaahinta ayaa qiray in hadda Ruushka ay leeyihiin xiriir wanaagsan, laakiin dhowr jeer uu jebiyay axdiyo lawada galay.

“Waxaan u maleynayaa in aan leenahay  xiriir wanaagsan Ruushka , laakiin dhowr jeer ayuu jebiyay ballamo innoo yaallay, illaa uu dalkaasi si dhab ah ugu hoggaansamayana , innagu waan ka baxaynaa” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha .

Weli si dhab ah ugama hadlin dowladaha qeybta ka ah heshiiskaasi hadalka Mareykanka, laakiin afhayeen u hadlay Aqalka cad ayaa sheegay in Washington ay ku diyaarineyso muddo lix bilood ah sidii ay axdigaasi uga bixi laheyd.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]