4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 20, 2020
Al-shabaab oo sheegtay qaraxii lala eegtay gaari uu lahaa Jen. Cali Gaab
 

Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax miino oo saakay lala eegtay sargaal sare oo ka tiirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ,

Qaraxa oo la aaminsanyahay inuu ahaa miino dhulka la galiyay ayaa lala beegsaday  gaari uu leeyahay Jen. Cali  Xersi Barre  “Cali Gaab” waxaana ku geeriyooday hal askari , seddex kalana wey ku dhaawacmeen.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa marayay meel ku dhow Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Jenaraal Cali Gaab oo xilal kala duwan kasoo qabtay booliska Soomaaliya  oo qaraxa kadib warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in uusan gaariga saarneyn xilligii qaraxa uu la kulmay  islamarkaana uu bad qabo, taas oo meesha ka saareysa warar warbaahinta qaar ay sheegeen oo ah in uu gaarigaasi la socday xilligii la qarxiyay.

Dhinaca kale  Al-shabaab ayaa sheegtay qaraxa mas’uulkaasi lala eegtay gaarigiisa, waxayna war ay siiyeen warbaahintooda ku  tilmaameen in ay dileen hal askari, seddex kalana ay dhaawaceen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]