4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2020
Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya oo sheegay in baaritaanno lagu billaabay shaqsiyaad ku eedeysan ka ganacsiga Dadka

Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka  ayaa maanta shaaca ka qaadday  inay gacanta ku hayaan Dad ku eedeysan ganacsi sharci darro ah.

Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ,Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka oo maanta suxufiyiinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay dadka ay baaritaanka ku wadaan inay ku eedeysan yihiin dambiyada deegaanka oo ay ugu horreyso Jarista dhirta, gubidda dhirta, ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha , ka ganacsiga iyo dhoofinta Duurjoogta iyo kalluumaysiga sharci darrada ah.

"Xafiiska wuxuu xog horudhac ah ku hayaa in eedeysanayaasha qaarkood ay ku suganyihiin dalka, halka kuwa kalana ay joogaan waddamada dariska ah iyo waddamada Carabta oo ah meesha loo dhoofiyo dhuxusha, kuwaaso ah shabakad isku xiran oo ganacsiyo kale ku dhex qarinaya dambigan." ayuu yiri Dr Suleymaan.

"Xafiiska wuxuu la socdaa faa'iidooyinka laga sameeyo falalkaa sharci darrada in qaarkood ay gacanta u galaan argagixisada , argagixisadana ay qayb ka tahay suuqa ganacsiga dhuxusha" ayuu ku daray.

Wuxuu uga digay ganacsatada inay ku dhaqaaqaan falalkan oo dhibaato ku ah dalka,sida uu sheegay  isagoo inta ku daray in marka baaritaannada kiisaskan la soo dhammaystiro maxkamad la horgeyn doono dadka ku eedeysan kiisaaskan oo u sheegay in lagu dabajiro.

Dhinaca kale, Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed  wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan dad ku eedeysan dabuulka iyo ka ganacsiga dadka, oo ay xilligan gacanta ku hayaan baasabooro iyo dukumintiyo been abuur ah, arrintaa oo uu sheegay inay ku lug leeyihiin mas'uuliyiin dowladeed oo xilal kala duwan ka haya dowladda.

Hiiraan Online News Desk