3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2020
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qaraxii Gaalkacyo, kana tacsiyeey geerida guddoomiyahii Mudug ee Puntland
 

Axad, May 17, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay qaraxii duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee lagu dilay guddoomiyahii gobolkaasi ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur.

Wasiir Maareeye ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaasi ee madax iyo shicibba lahaa, isagoo tilmaamay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay aad uga xuntahay falkaasi ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi, sida lagu baahiyay war lagasoo xigtay oo ay qoreen baraha dhinaca wararka ee taageera .

Qaxarii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa lala eegtay marxuum Axmed Muuse Nuur xilli uu kasoo baxay xafiiskiisa, waxaana la geeriyooday darawalkiisii iyo seddex qof oo ilaalinayay.

Wareysi uu kol hore siiyay warbaahinta guddoomiyahii Gaalkacyo ee maanta geeriyooday ayaa waxa uu ku sheegay inuu dareemayo khatar ammaan , iyadoo uu tilmaamay digniin ay siiyeen ciidamada la dagaallanka argagaxisada Puntland oo ku saabsaneyd inuu jiro weerar isaga ka dhan ah oo ay Al-shabaab maleegayaan.

Waxana uu  hadalkiisa ku daray in ay ka codsadeen inuu yareeyo dhaqdhaqaaqiisa iyo inuusan tegin meelaha dadku ay ku badanyihiin, si uu kaga badbaado khatar isaga ka dhan ah.

Waxa uu noqonayaa guddoomiyahii labaad oo heer gobol ah oo Puntland qarax looga dilo dhowr bil gudaheed, horay ayaa qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay uu ugu geeriyooday guddoomiyahii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xirsi Gujir.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/17/2020 4:55 PM EST
Axad, May 17, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowladda Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxay ka hadashay xaaladahii ugu dembeeyay ee xanuunka COVID-19 ee dalka, waxayna sheegtay in maanta la xaqiijiyay 64 xaalad oo cusub , kuwaas oo laga helay meelo kala duwan.

5/17/2020 3:03 PM EST
Axad, May 17, 2020 (HOL) - Madaxda sare ee waddanka Nigeria ayaa waxay sheegeen in haweeney la xanuunsaneyd COVID-19 ay umushay cunug caafimaad qaba, kadib markii ay foolatay iyadoo ku jirta qol lagula tacaalayay caafimaadkeeda.

5/17/2020 8:58 AM EST
Axad, May 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulal u cambaareeyay dilkii loo geystay guddoomiyihii gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, oo maanta lagu qaarajiyay weerar ismiidaamin ah oo lagula eegtay magaalada Gaalkacyo.

5/17/2020 8:32 AM EST
Axad, May 17, 2020 (HOL) - Waxaa maanta cod aqbaliyad ah lagu ansaxiyay golahii wasiirada uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, kaaso oo qudhiisa joogay fadhiga Baarlamanku ay yeesheen.

5/17/2020 8:07 AM EST
Axad, May 17, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulan la qaatay guddiga ka hortagga iyo xakameynta xanuunka Coronavirus ayaa waxa uu sheegay in dowladdu ay dooneyso in ay dib usoo celiso dadka Soomaaliyeed ee ku xayirmay meelo badan oo caalamka ah. Iyadoo la dhowrayo caafimaadka dadkaasi.

5/17/2020 8:01 AM EST
Axad, May 17, 2020 (HOL) - Ugaas Xasan ugaas Khaliif oo kamid duubabka gobolka Hiiraan ayaa maanta kormeeray xaaladaha magaalada Beledweyne, waxaana uu sheegay in biyuhu aay geeysteen qasaaro badan.

5/17/2020 7:32 AM EST
Axad, May 17, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM ayaa waxay ku sheegteen in ay guulo ka gaareen dagaal dhex-maray ciidamadooda iyo kuwa Al-shabaab , kaas oo ka dhacay halka lagu magacaabo Bilis Qooqaani oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubaland.

5/17/2020 6:04 AM EST
Axad, May 17, 2020 (HOL) - Guddoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur iyo qaar kamid ah ilaaladiisii ayaa ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug.

5/17/2020 1:49 AM EST
Axad, May 17, 2020 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud Soomaaliya, Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo ka dhan ah saraakiil katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo lagu hayo musuqmaasuq dhowaana maxkamad la geyn doono.

5/17/2020 1:24 AM EST
Axad, May 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa mamnuucay dhaqdhaqaaqa xuduudaha dalka ee kala dhexeeya Tansaaniya iyo Soomaaliya si looga hortago faafitaanka cudurka coronavirus.