4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2020
Ugaas Xasan ugaas Khaliif oo ku baaqay in lacaawiyo shacabka magaalada Beledweyne
 


Axad, May 17, 2020 (HOL) - Ugaas Xasan ugaas Khaliif oo kamid duubabka gobolka Hiiraan ayaa maanta kormeeray xaaladaha magaalada Beledweyne, waxaana uu sheegay in biyuhu aay geeysteen qasaaro badan.

Ugaas Xasan ugaas Khaliif ayaa baaq u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed inaay caawiyaan shacabka ka barakacay Fatahaad Beledweyne.

“Cid kasta oo masuul ah iyo kuwa aan masuul ahaayn waxaad arkeeysaan dhibka haaysta shacabka Beledweyne, dadkune waxaay u baahanyihiin waxqabad dhab ah. Reer Beledweyne waxaan u sheegayaa waad aragtaan xaalada magaaladiina ma ahan inaad ka hadashaan baraha bulshada waa inaad dadkiina dhibka laqeeybsataan”. Ayuu yiri ugaaska.

Wabiga Shabeelle ayaa Fatahaad culus ka geeystay magaalada Beledweyne, waxaana mudo todobaad banaanada magaalada ku dhibaateeysan kumanaan qof oo barakacay.  

Ilaa hada majiraan wax gurmad ah oo loo fidiyay dadka ka barakacay Fatahaada, waxaana dhaqaatiirtu aay ka deeyriyeen xaaladaha caafimaad ee dadka.

Hiiraan Online News Disk